Wararka

Dowlada dalka Tunisia oo mamnuucday xirishada niqabka.

Dowlada dalka Tunisia ayaa mamnuuc kusoo rogtay xirishada niqabka kadib laba qarax oo mataano ahaa oo ka dhacay caasimada dalkaasi ee Tunis kuwaas oo ka kala dhacay bar koontorool oo ay ciidamada amaanka dalkaasi ku sugnaayeen iyo degmo laga soo gala caasimda Tunis, waxaana labadaas qarax xigay mid seddexaad oo isna ka dhacay goob dalxiis.

Ra’iisal wasaaraha dalka Tunisia Youssef Chahed, ayaa saxiixay sharci mamnuucayo xirishada indha-shareerka(niqabka) sida lagu baahiyay warbaahinta dalkaasi.

Ruux goob jooga ahaa xiligii ay Magaalada Tunis ee caasimada dalkaasi ka dhacayeen qaraxyada ayaa sheegay in shaqsi kamida dadkii meesha isku qarxiyay uu sitay indha-shareer balse waxaa arrinkaa beeniyay wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Tunisia

Uruka isku magacaabay dowlada Islaamiga ah ee loo soo gaabiyo ISIS (Daacis), ayaa sheegtay dhamaan masuuliyadii seddexdii qarax ee dalkaasi ka dhacay, waxaana qaraxyadaas ku dhintay laba rux halka toddoba kalana ay ku dhaawacantay.

2011-kii ayaa dumarka ku nool dalka Tunisia loo ogolaaday in ay xirtaan xijaabka iyo indha-shareerka (niqabka) kadib muddo qarniya ah oo dalkaasi ay ka talin jireen madax cilmaani ah oo aan u ogolaan jirin dumarka in ay xirtaan xijaabka iyo Indha-shareerka.waxaana madaxdaas kamid ahaa madaxweyne Zine El Abidine Ben Ali iyo Habib Bourguiba kuwaas oo bataatanba diidanaa xirishada nooc kasto oo dharka Islaamka ah.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close