Wararka

Imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalada 8-aad iyo 12-aad ee dugsiyada Puntland oo lagu wada in uu bilawda malinta Sabtida.

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8-aad iyo 12-aad ee dugsiyada Puntland ayaa lagu wadaa in uu bilawda maalinta sabtida ah ee fooda nagu soo haysa waxaana deeganada Puntland ka muuqda diyaar garoow aad u sareeyo.

Hoowlwadeena ku dhaw 800 oo ruux oo iskuugu jira kormeerayaal, illaaliyaal amni iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta ka ambabaxay caasimada Garowe ee xarunta dowlada Puntland iyo magaalooyinka kale ee Puntland iyagoo wada Imtixaanka kuna sii jooda deegaanada kale ee puntland oo sabtida soo socota uu si rasmi ah ugu bilaawmanayo imtixaanka.

Guddoomiyaha xafiiska guud ee Imtixaanaadka Puntland Axmed Maxamuud Warsame Saacid ayaa faahfaahin ka bixiyay xarumaha ay ugu tala galeen in imtixaanaadka ka baxaan isagoo sheegay in ilaa far xarumood ay u qorsheeyeen Imtixaanka, goobahaas oo kala ah; xarunta Garowe, Xarunta Qardho, xarunta Carmo iyo xarunta Boosaaso.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay wacyi galin ku filan siiyeen korjooga-yaasha imtixaanka oo aaan wax walwal ah laga qabin in ay wax isdaba marin ah dhacdo sidookale waxaa uu sheegay in aan la jari doonin baraha interneedka ee ay bulshada isticmaasho.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close