Wararka

Magaalada Muqdisho oo laga daahfuray Bandhiga Safarka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Bandhiga Safarka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya (Somali Travel & Tourism Expo) oo ay ka soo qaybgaleen Wasiiro iyo ku dhowaad kun dhalinyaro ah, shirkado iyo aqoonyahano.

Madaxda kale ee ka soo qayb gashay madasha ayaa waxaa kamid ahaa, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) , Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan oo ka hadlay munaasabada Bandhigga safarka iyo dalxiiska Soomaaliya ayaa u mahadceliyay dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed oo uu ku sheegay in ay yihiin Naftood huruyaal.

“Dalkeenu waxaa uu ahaa dalka ugu qurux badan caalamka dunida waan ka tilmaaneen ganacsatadeena ayaa ku mahadsan bandhigga maanta waa naftood hurayaal” Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha dalka mudane Cabdullaahi Cali Xasan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed {Filish} oo dhankiisa ka hadlay madasha ayaa bogaadiyay bandhigga safarka iyo dalxiiska ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Dhallinyaradii kasoo qeybgashay Madasha Bandhiga Safarka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya (SOMTEX2020) kuwooda ugu nasiibka badan waxaana qaar kamid ah dhalinyaradaasi ay nasiib u heleen in ay kamid noqdaan shaqaalaha hey’adaha dowladda sida wasaaradda warfaafinta iyo hey’adda duulista hawada Soomaaliya.    

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close