Wararka

Haweynay kamida xildhibaadana cusub ee Hindiya oo maxkamad lasoo tagay.

Booliska Magaalada Mumbai ayaa sheegay in haweeyneydaan moota ay leedahay loo isticmaalay in lagu qaado qaraxii lagu weeraray magaalada Malegaon..

Sadhvi Pragya Thakur oo kamida xildhibaanada cusub ee dalka Hindiya kuwaas oo lasoo doortay bishii tagtay ee sanadkaan ayaa maanta maxkamad lasoo taagay.

Sadhvi Pragya Thakur ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in ay ka qayb qaadatay weerar arggagaxisnimo ah oo ka dhacay galbeedka Hindiya sanadkii 2008-dii kaas oo ay ku dhinteen lix ruux halka inkabadan 100 ruuxna uu dhaawac kasoo gaaray.

Xaakimka maxkamad kutaallo caasimda Mumbai ayaa Thakur ku wargaliyay in ay asbuuciba mar timaado maxkamada si ay u dhagaysato dacwadeeda.

Booliska Magaalada Mumbai ayaa sheegay in haweeyneydaan moota ay leedahay loo isticmaalay in lagu qaado qaraxii lagu weeraray magaalada Malegaon waxaa kala oo ay sheegeen in ay ka qayb aheed qorshahii lagu soo maleegay qaraxaas.

Thakur oo 49 sano jir ah ayaa waxaa ay xildhibaanada dalka Hindiya kusoo biirtay laba asbuuc ka hor waxaa ayna ku guulaysatay 62% -kiiba codadkii laga dhiibtay magaalada Bhopal waxaa ayna ka tirsantahay xisbiga hadda ku guulaystay doorashadii ra’iisal wasaaraha dalkaasi Hindiya, Bharatiya Janata Party (BJP) oo uu hoggaamiyo ra’iisal wasaare Narendra Modi.

Xisbiga mucaaradka dalka Hindiya ee koongarayska kaas oo doorashadii ka dhacday dalkaas looga badiyay ayaa xildhibaanadaan ku sheegay in ay kamid tahay dadka xagjirka ah eek u hoos jira ra’iisal wasaare Narendra Modi.

Balse waxaa haweyneydaan difaacay guddoomiyihii hore ee xisbiga BJP ee ay hadda katirsantahay kaaso aa hadda ah wasiirka arrimaha Guddaha dalkaas Amit Shah waxaa uuna sheegay in dacwada ka dhanka ah ee xildhibaanadaan in ay tahay mid been abuur ah.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close