Wararka
Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo kulan la qaatay qaar kamid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka xukuumada federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta furay shir wadatashi ah oo ku saabsan aragtida Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee dib u eegista Dastuurka Dalka.
Shirka oo ay ka qeybgaleen qaar kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo bandhigay halka uu marayo geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka iyo qodobbada dib loo eegay, waxayna Culimada ka dhiibteen aragtiyadooda arrimahaasi ku aaddan.
Sanadkan 2019-ka, ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo sixitaanka, wax ku darka iyo wax ka beddelka qodobbada Dastuurka, sidii lagu go’aamiyay shirkii Muqdisho ka dhacay 2018-kii, waxana door weyn ka qaadan doona Culimaa’udiinka Soomaaliyeed.