Wararka

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo kormeer ku tagay Dugsiga Tababarada Ciidamada ee magaalada Badhan.

Badhan (tusmotv.so) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeeray Dugsiga Tababarada Ciidamada ee magaalada Badhan.

Dugsiga oo xilligan tababar uu uga socdo cutubyo cusub oo ku biiraya Ciidamada difaaca Puntland ayaa waxaa madaxdu ay kuurgaleen xaaladda ciidamada, iyagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha tababarka bixinaysa.
Guddoomiyaha iyo weftigiisa ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay ciidamada tababarku uu u socdo, kadibna waxay meel fagaare ah ku daawadeen dhuulatus ay ciidanku soo bandhigeen oo ka turjumaya tababarkii iyo aqoontii la siiyey.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey Ciidamada tababarka uu u socdo, wuxuuna kula dardaarmay in casharada iyo aqoonta lasiiyey ay ka faa’ideystaan.

Weftiga Guddoomiyaha ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Cabdi ahna Guddoomiyaha dib u habeynta ciidamada, Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere, Taliyaha Ciidamada Booliska sarreeye guuto Cabdi Xassan Xuseen, Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Sahal, Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Jaamac, Taliyeyaasha kala-duwan ee Ciidamada ka hawlgala Gobolka Sanaag, Maamulka Gobolka, kan Degmada iyo saraakiil kale.Image may contain: 4 people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, standing, sky and outdoorImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: 6 people, people standing and outdoorImage may contain: 4 people, people standing and outdoorImage may contain: 11 people, people sitting and outdoorImage may contain: 2 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close