Wararka

Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose oo kulan la yeeshay Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka ee ka howlgala magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdullaahi Cali Gooni oo manta kulan la qaatey Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka ee ka howlgala magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu Hay’adaha kala hadlay sidii adeeg caafimaad loo gaar siin lahaa goobaha ay ka jirto xaaladaha Caafimaad darro iyo sidii loo sii xoojin lahaa xarrumaha caafimaadka ee hadda ka shaqeeya deegaanada Jubbaland.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu gorfeeyay sidii taxadar iyo wacyi galin loogu sameyn lahaa dadka dagan goobaha isku raranta oo mararka uu roobku da’o ay ka dillaacaan cudurro ka dhasha biyaha roobka ee fariista xaafadaha dhexdooda.

Guddoomiyaha ayaa  sidokale  ka hadlay biyo la’aanta ka jirta qaybo ka mid ah gobollka Jubbada Hoose taasi oo ay sababtay xilligii roobka oo aan wali curan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close