Wararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo amar kasoo saaray qashinka lagu shubo goobaha aan munaasabka aheyn.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray meel cusub oo maamulka gobolka Banaadir ugu talagalay in lagu maareeyo qashinka laga soo qaado degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarig jarka kadib waxaa uu amar adag kasoo saaray qashinka lagu shubo goobaha aan munaasabka aheyn ee magaalada Muqdisho waxaa uu sidoo kale digniin u diray shirkadaha qashinka qaada ee aan ka diiwaan gashneyn dowlada hoose Xamar.

Magaalada Muqdisho oo bilooyinkii danbo kasoo ka banaysay wasakhda lagu daadiyo waddooyinka ayaa haddana waxaa jiro in goobaha qaar iyo Degmooyinkaba lagu arko qashin Iska daadsan taas oo xiliyada roobabka dhaliso cudurada dilaagga ah.

Image may contain: 7 people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people and people standingImage may contain: 6 people, people standing and outdoorImage may contain: 7 people, people smiling, people standing, wedding and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close