Wararka

Guddiga diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Masuuliyiin ka socday Machadka Heritage.

Guddiga Kumeel garaka ah ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa Kulan la qaatay Masuuliyiin ka socday Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda.

Kulankaan oo ka qabsoomay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda Golaha Shacabka Ee Villa Hargeysa ayaa Waxaa Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdulaahi Abukar Xaaji iyadoo ay goobjoog ahaayeen Xubnaha Guddiga.

Kulanka ayaa kamid ahaa kulamo Maalmahaan uu Guddiga la yeelanayay qeybaha Bulshada iyo Hay’addaha daneeya Arrimaha Doorashooyinka.

C/rashiid Khaliif Xaashi, Agaasimaha hay’adda Heritage ayaa kulanka ka hadlay isagoo guddiga kaga mahadceliyay Dadaalka ay wadaan iyo Sida ay uga go’antahay ka mira-dhalinta Dadaalkooda.

Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdulaahi Abukar Xaaji oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Masuuliyiintii ka socday Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda la kulankooda Guddiga.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close