Wararka

Golaha wakiilada ee Puntland oo ka dooday xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland.

Caasimada Garowe ee Puntland waxaa ka qabsoomay Fadhiga 23-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawlad goboleedka Puntland, oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo ku xigeenka 2-aad , Ismaaciil Maxamed Warsame.

Ajandaha Fadhiga maanta ayaa ahaa u Qareemidda xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa dood sharci ah ka yeeshay u Qareemidda xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland, dood dheer ka dib, Guddoonka Golaha Wakiillada & Xildhibaanada ayaa isku raacay in loo yeero Xeer-ilaaliyaha Guud, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo Dastuurka, Hoggaanka Taliska Ciidanka Asluubta Puntland si su’aalo looga weydiiyo Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland, maalinta sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay Luuliyo 25, 2020.Image may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people sitting, people standing and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close