Wararka

Gabar guud ahaan qoyskeeda ku weysay weerarkii ka dhacay newzealand oo sheegtay in ay cafisay ninkii toogashada geystay.

Maryam Gul waxay weerarkii masaajidyada dalka New Zealand ku weysay guud ahaan qoyskeeda oo ka koobnaa walaalkeed, hooyadeed iyo Aabaheed.

Hase yeeshee waxay sheegtay iney cafisay ninkii toogashada geystay oo 50 ruux oo ay qoyskeeda ku jiraan ku laayay weerarkii dhacay maalintii Jimcada ee ay taariikhdu ku beegnayd 15-kii bishan Maarso.

BBC-da ayey uga warrantay iney xaalad xun gashay markii iyadoo ku sugan Pakistan ay maqashay in waalidkeed iyo walaalkeed ay ku geeriyiideen weerarkii argagaxa lahaa ee loo geystay muslimiin cibaadeysaneysa.

“Adduunka hadda waxaan ku dareemayaa in qoyskeygi oo idil ay iga dhinteen, laakiin waxaan ogahay in markii aadan heysanin qof inuu Alle wehel kuu yahay, balse inaan la’aantood noolaado waxay igu noqon doontaa arrin aad u adag, cid kale ma heysanin wuxuu ahaa walaalka kaliya ee ila dhashay, waalidiinteydiina way raaceen”, ayay tidhi Maryam.

Walaalkeed Zeeshan Gul wuxuu New Zealand u guuray 4 sano ka hor, markaasoo uu ka tagay dalka Pakistan.

“Aad baan u argagaxay, waxaan is dhahay maxay kulligood u wada dhinteen oo xitaa uu hal ruux uga badbaadi waayay, waxaan isku diyaarinayay inay ii soo laabtaan laakiin ma jirto cid ogeyd inaysan waligood soo laaban doonin”.

Weerarkaas oo uu qaaday nin dhashay dalka Australia ayaa lagu dilay ku dhawaad 50-qof oo muslimiin ah kuwaas oo ku tukanayay laba masaajid oo ku yaalla magaalada christurch

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close