Wararka

Fanaan La Dilay, Mudaharaaddo Ka Bilaabmay Addis Ababa Iyo Taalladii Boqor Mililik Oo La Gubay.

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya waxa Xalay lagu dilay Haacaaluu Hundeessaa oo ahaa Fanaan Caanka ah Itoobiya.

Haacaaluu Hundeessaa ayaa ahaa Fanaan door weyn ka soo qaatay Dibed-baxyadii Qoomiyadda Oromadu ka samaysay dalka Itoobiya isla-markaana horseeday Isbeddelka ka dhacay siyaasadda iyo Hoggaanka sare ee dalkaasi.

Fannaanka oo Qaadi jiray Xilliyadii Dibed-baxyada Heeso uu ku kicinayo Shuruucda Dhallinyarada Qoomiyadda Oromada oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, ayaa lagu toogtay Shalay Magaalada Addis Ababa, waxaanu Xalay Cisbitaal Addis Ababa ku yaalla ugu Geeriyooday dhaawaca toogashada ka soo gaadhay.

Illaa hadda lama oga Cidda dilkiisa geysatay, balse Kumanaan Dhallinyardaa Qoomiyadda Oromada ah oo Xalay isku urursanayey Albaabka Cisbitaalkii uu Fanaanku ku Geeriyooday ayaa Saaka Mudaharaad ka sameeyay Magaalada, iyagoo dab qabadsiiyey Taalada Boqor Mililik oo ka soo jeeda Qoomiyadda Axmaarrada ee Itoobiya, taasi oo dhalisay shaki ah in Oromadu Dilka Fanaanka ku tuhmayso Axmaarrada.Image may contain: 2 people, people standing, crowd and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, crowd and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close