Wararka

FAAHFAAHIN KA SOO BAXDAY QARAX ISMIIDAAMIN AH OO KA DHACAY KISMAYO.

Fafaahino dheeraad ah aya ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo duhurnimadii maanta ka dhacay magalada kismayo ee caasimada KGM dowlad goboleedka Jubland qaraxaasi oo gaystay qasare isgu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxu ayaa ka dhacay Xarunta Maamulka Degmada iyo Masaajidka Jaamaca ee Kismaayo, waxaana qaraxa fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qaraxa iyadoona Jugta qaraxa ayaa laga maqlay xaafada ay ka kooban tahay Magaalada Kismaayo, waxaana xiliga uu qaraxu dhacayay Masaajidka ku tukanayay Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Sida wararku ay sheegayaan Qaraxan ayaa waxa fuliyey Nin kujira da’da Afartanaadka waxana uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray tobaneeyo qof oo ka soo baxay salaadda Jimcaha. Guddoomiyaha rugta ganacsatada dowlad-goboleedka Jubaland Shaafi Raabi Kaahin, ayaa ku dhintay qaraxaasi sidoo kale 10 ruux ayaa ku dhaawac antay oo la dhigay goobaha Caafimaadk Kismaayo.

Laamaha Nabadgelyada Jubbaland oo kaashanaya Saraakiil Ajaanib ah oo la howlgasha Askarta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qayb ka ah baarista si loo aqoonsaday qofkii qaraxa sameeyay.

Mgalada kismayo ayaa qeyb ka ah goobaha ugu nabdoon ee magalooliyinka dalka walow xiliyadii udembeyeyey ay ka dhacayeen falal lidi ku ah amniga waxana xusid mudan werar dagalamyaasha alshabaab ay sanadkii hore ku qaadeen.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close