Wararka

Erayga “meta” wuxuu ka yimid erey Giriigga oo macnihiisu yahay “ka baxsan”.

Shirkadda Facebook oo magaceeda u badashay Meta taas oo qayb ka ah dib-u-habaynta weyn ee shirkaddu samaysay.

Shirkadda Facebook ayaa magaceeda u badashay Meta ka dib hormarin lagu sameeyay sida uu sheegay Mulkiilaha Kambanigaan Mark Zuckerberg.

Madaxa Facebook Mark Zuckerberg ayaa ku dhawaaqay magaca cusub isagoo daaha ka qaaday qorshaha lagu dhisayo “metaverse” – oo ah Qalab ku shaqeeyo online oo ay dadku ku ciyaari karaan, ku shaqeyn karaan oo ay ku wada xiriiri karaan jawi muuqaal ah.

Wuxuu sheegay in astaanta hadda jirtay aysan matali karin Kambanigaan oo ka kooban Facebook, Instagram iyo Whatsapp.
” Astaanta hadda jirtay ma mateli karin wax walba oo aan maanta sameyneyno, iska daa mustaqbalka”. ayuu yiri Mark Zuckerberg.

Talaabadan ayaa daba socota sheekooyin xun oo isdaba joog ah oo ku saabsan Facebook, kuwaas oo ku saleysan dukumiintiyo ay siidaaysay haweyney u shaqeyn jirtay Shirkadda Facebook oo la yirahdo Frances Hauge.

Mr Zuckerberg ayaa sheegay in magacan cusub uu ka tarjumayo waxqabadka kambaniga Facebook oo hadda loo bixiyay ‘META”.

Erayga “meta” wuxuu ka yimid erey Giriigga oo macnihiisu yahay “ka baxsan”.

Metaverse waxay u ekaan kartaa nooca VR, laakiin dadka qaar ayaa aaminsan inay noqon karto mustaqbalka internetka.

Facebook ayaa sheegtay in ay ku tala jirto in ay bilawdo ka ganacsiga saamiyadeeda iyada oo la raacayo calaamada saamiyada cusub ee MVRS laga bilaabo 1da Diseembar.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close