Wararka

Duqa Muqdisho iyo Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka wada hadlay Amniga iyo Doorashooyinka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara.

Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, Doorashooyinka la qorshaynayo inay dalka ka dhacaan iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxeysa Midowga Afrika iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa tilmamay muhiimadda ay leedahay in Saraakiisha howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay diiradda wada saaraan sidii iskaashi buuxa uga yeelan lahaayeen amniga iyo sidii doorashooyin uga qabsoomi lahaayeen Caasimadda dalka, si talada dib loogu celiyo shacabka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay sameynayaan Xafiis amni oo labada dhinac xiriiriya, isla markaana mideeya qorsheyaasha uga dagsan amniga Caasimadda, isagoo xusay maamulkiisu inuu xoogga saarayo amniga in loo wajaho qorshe mida.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka shaqeynayaa sidii qorshe mideysan loogu wajihi lahaa amniga, anagoo kaashanayna dhinacyada bahwadaaga ku ah ammaanka, lana diyaariyo sidii shacabka Caasimadda talada loogu celin lahaa, maadaama dalka looga diyaar garoobayo doorashooyin”.

Dhankiisa, Danjire Francisco Medara ayaa bogaadiyey qorsheyaasha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan horumarinta Caasimadda, isagoona ballaan qaaday in ay kaalintooda ka qaadanayaan barnaamijyada uu wado Maamulka Gobolka ee ku aaddan amniga iyo doorashooyinka.Image may contain: 7 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 7 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people sitting

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close