Wararka

Duqa caasimada Muqdisho oo shegay in maamulka Gobolka Banadir ay ka go’antahay maamulida adeegyada caafimaad ee Gobolka.

Wasiirka Caafimaadka ee XFS iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa warbixin kadhageestay Gudiga isku dhafka ah ee ka shaqeynayay sidii uu maamulka gobolka Banaadir ula wareegi lahaa maamulida adeegyada caafimaad ee Gobolka.

Duqa caasimada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banadir ay ka go’antahay in uu la wareego xarumaha bixiya adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee ku yaalla magaalada Caasimadda ah Muqdisho.

“Waxaan maanta warbixin ka dhageystey guddigii loo xil saaray in ay ka soo tala bixiyaan sida ugu haboon ee maamulka gobolka Banaadir ula wareegi lahaa xarumaha bixiya adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee ku yaalla magaalada Caasimadda ah Muqdisho” Ayuu Yiri Cumar Filish.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close