Wararka

Dowladda Puntland oo war-saxaafadeed ka soo saartay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay Somaliland maalmahan ka waddo degaanno ka tirsan gobolka Sanaag.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu sheegay in Somaliland ay duullaan ku soo qaadday degaanno ka tirsan gobolka Sanaag ee Puntland si ay u curyaamiso dagaalka ay Puntland argagixisada kaga sifeynayso buuraleyda gobolada Bari iyo Sanaag.

Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Puntland ay marwalba ay dulqaad muujinayso iyadoo xeerinaysa xasiloonida gobolka iyo deris wanaaga kana hortegaysa daadinta dhiigga dadka walaalaha balse mar dambe aysan u dulqaadan doonin daan-daansiga qayaxan iyo weerarrada joogtada ah ee kaga imaanaya dhinaca maamulka  Hargaysa.

Ugu dambeyntii Puntland waxay sheegtay in ay u diyaarsantahay difaaca dalkeeda iyo dadkeeda waxaana ay shacabka ugu baaqday in ay u midooban difaaca dalka iyadoo dhinaca kale daneeyaasha arrimaha Soomaaliya ku wargelisay in Somaliland ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto wixii halkaas ka dhaca.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooytada Puntland.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close