Wararka

Dowlada Turkiga oo Mareykanaka Ku eedeysay Inuu Weerar Ku yahay Dhaqaalaha Dalka Turkiga.

Madaxwaynaha dalka Turkiga ayaa sheegay in xukuumadda maraykanka ay dagaal dhaqaale kula jirto dalkiisa iyada oo doonaysa in lacagta dalkaas ay qiima beesho.

Erdogan ayaa Talaabadaasi ku tilmaamay inay tahay isku day lagu doonayo in shacabkiisa laga hor keeno xili ay doorashada dalkaas soo dhawaatay.

lacagta Turkiga ee loo yaqaano Liraha ayaa Sarifkeeda hoos uga dhacay marka lagu sarifanaayo lacagaha dalalka kale gaar ahaan  doolarka Maraykanka .

Madaxweyne Urdugan ayaa sheegay in arinkan uu yahay mid uu Maraykanku mar walba kula kaco dalalka uu doonayo in uu afgambiga siyaasadeed ku sameeyo si shacabka ay dawladooda u nacaan burburka dhaqaalena uu fududaynayo arinkan balse ay xukuumadiisu ku baraarugsantahay kana hor tagi doonto isku daygan.

Waaxda dambi baadhista Turkiga ayaa isbucii tagay  sheegtay in ay baadhitaanno ku hayso bangiga JP Morgan ee dalka Maraykanka iyada oo ku eedaysay in uu baahiyay macluumaad been ah.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close