Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray kulan ku saabsan soo bandhigidda miisaaniyad sanadeedka 2021.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Cali Dahir Ciid ayaa xarunta Madaxtooyada Galmudug ka daahfuray kulan ay soo agaasintay wasaaradda maaliyadda Galmudug kaasoo ku saabsan soo bandhigidda, iyo ka doodidda miisaaniyad sanadeedka 2021.

Kulanka oo lagu casuumay dhammaam wasaaradaha Dowlad goboleedka Galmudug, iyo Hay,adaha madaxa- banaan ee Galmudug Sida Garsoorka, Hanti- dhowrka, & Hay’adda shaqaalaha Rayidka.

Ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyey kutalagal sanad miisaaniyadeedka 2021 iyagoona dhinacyadu ay ku biiriyeen aragtidooda.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa ku amaanay wasaarada maaliyada Galmudug doorka aay ka qaadatay hanaanka maaliyadeed ee Galmudug sidoo kale waxa uu wasaarada maaliyada ku amray in wasaaradaha DGM, aay helaan miisaaniyada loo qoro si loogu fudeeyo howlaha wasaadaha DGM.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close