Wararka

Dowlada Puntland oo Horumarineed La Saxiixday Shirkadda CCECC.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga Dalka China ayaa magaalada Beijing kulan kula qaatay Madaxda ugu Sareysa ee Shirkada CCECC.

Shirkada CCECC oo xarunteeda weyn ay tahay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa hore u dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, haddana waxa ay Puntland ka waddaa mashariic horumarineed oo ay ugu horeeyaan garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo wadada Eyl-Dangorayo ee gobolka Nugaal.

Waftiga Madaxweynaha oo Ka kooban Wasiiradda Wasaaraddaha Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Ganacsiga, iyo Tamarta, Biyaha iyo Macanta ayaa waxaa ay shir la qaateen Madaxda ugu sareeysa Shirkada CCECC, kulankaas oo lagu kala saxiixday fulinta mashaariic horumarineed oo ay shirkaddu ka fulin doonto Puntland,

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Faarax Cawaash iyo Madaxa Shirkada CCECC ayaa kala sixiixday dhismo deked kalluumaysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgalinayso degmo Ayl ee gobolka Nugaal.Image may contain: 3 people, people standing, suit and indoorImage may contain: indoorImage may contain: 4 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 2 people, people standingImage may contain: 3 people, people smiling, people standing, suit and indoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close