Wararka

Dowlada oo qalab caafimaad ku wareejisay maamulka Galmudug.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qalab looga hortegayo cudurka faafa ee corona virus ku wareejisay wasaaradda caafimaadka ee maamul goboleedka Galmudug.

Qalabkaan caafimaad oo ah mid looga hortegayo faafida cudurka corona virus ayaa waxaa wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya gacan ka siiyay hay’adda cunnada adduunka ee WFP.

Agaasimaha qorsheynta wasaaradda caafimaadka maamulka Galmudug Dr. C/xakiin Maxamed Diiriye ayaa wasaaradda kala wareegay isagoo uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto ka hortaga corona virus.

Soomaaliya ayaa qaaday talaabooyin badan oo looga hortagaayo saamaynta uu leeyahay xanuunka COVID-19 oo ay kamid tahay hakinta duulimaadyada caalamiga ahaa,kuwa gudaha,goobaha waxbarashada iyo in la yareeyo meelaha lagu caweeyo iyadoo dhammaan maamul goboleedyada dalka ku wareejisay qalabki looga hortegi lahaa cudurka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close