Wararka

Dowlada Ciraaq oo dacwad ka gudbisay Maraykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Ciraaq ayaa sheegay in uu war-qad dacwad ah u gudbiyay Danjiraha dowlada Maraykanka u jooga caasimada Baqdaad waxaa uuna tilmaamay in duqayntii ay dowlada Maraykanka ka fulisay gudaha dalka Ciraaq ay aheed mid meel ugu dhacday Jiritaanka dowlada Ciraaq.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in howlgalkaasi ay dowlada maraykanka ka dhex fulisay dalka Ciraaq ee ay ku dileen janaraalkii milatariga Iiraan Qaasim Suleeymaani iyo taliyihii maleeshiyaadka Ciraaq Abu Mahdi al Muhandis.

Xoghayaha dalka Maraykanka Mike Pompeo oo ka hadlay weerarkaasi ayaa tilmaamay in howlgalkaasi uu ahaa mid sharci ah isagoo dowlada Iran ugu goodiyay in haddii ay isku dayaan in ay weerar u gaystaan dowlada Maraykanka iyo xulufadeedaba ay kala kulmi doonaan cawaaqib xun.Mike Pompeo

Hoggaamiyaha ururka Hezbollah Hassan Nasrallah oo isna ka hadlay geerida janaraal Soleimani ayaa sheegay in dilkiisa uu furaayo jaha cusub ee taarikhda Bariga dhexe waxaa uuna intaasi ku daray in arrinkaan uu taabaneynin dalalka Iran Iyo Ciraaq oo kaliya balse uu saamayn ku yeelan doona dhamaan Bariga dhexe.Nasrallah live - DO NOT USE

Sidoo kale waxaa safaaradda uu Maraykanka ku leeyahay Magaalada Istanbul ee caasimada dalka Turkiga isku soo dhoobtay dibad-baxyaal ka caraysnaa weerarka uu Maraykanka u gaystay janaraal Qaasim Suleeymaani.US-Iran escalation looms after Soleimani killing: Latest updates

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close