Wararka

Kenya-dad cusub oo laga helay Corona halka tiro cusubna laga saaray Isbitaalka.

Dalka kenya, dadka laga helay xanuunka coronaviruska waxaa ay gaareen 184 ruux iyadoo maanta oo kaliya la xaqiijiyay shan kiis oo cusub balse wasiirka caafimaadka dalkaasi oo ka warbixiyay aqbaartii ugu danbaysay ayaa sheegay in ilaa 12 ruux laga saaray Isbitaalka kadib markii ay xaaladooda caafimaad soo roonaatay.

Wasiirka caafimaadk dalkaasi Mutahi Kagwe ayaa sidoo kale sheegay in dadka u dhintay xanuunkaani dalkaasi kenya ay gaarayaan toddoba ruux.

“24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa Isbitaalka laga saaray 4 ruux oo xaaladooda caafimaad ay kasoo raysay waxaa ayna tani ka dhigaysaa wadarta guud ee dadka laga saaray Isbitaalka 12 ruux, tani waa aqbaar wanagsan. sidoo kale waxaan ka xumahay inaan hal ruux ku waynay Magaalada Mombasa afar iyo labaatan kii saac (24-kii saac) ee la soo dhaafay. ruuxaan ayaa is dhaqsi ah u dhintay kadib markii goobta caafimaad la geeyay waxaa uuna qabay xaalada kale oo caafimaad waxaa ayna tani ka dhigaysaa tirada dadka u dhintay caabuqaan corona toddoba ruux”. ayuu yiri Mutahi Kagwe.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close