Wararka

Dil wadareed caawa ka dhacay Magaaalda Muqdisho

4 ruux ayaa ku geeriyootay 4kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii koox hubeysan ay  weerar ku qaadeen  guri ku yaal Degmada Wadajir ee magaalada muqdisho.

Kooxda weerarka qaaday ayaa  la sheegay in ay rasaas ku fureen dad isku qoys ah oo ku sugnaa afaafka hore ee guri ku yaal xaafada Kaawo Godey waxaana la sheegay in ay wateen gaari yare e nooca raaxada ah ka dibna halkaa ay iskaga baxsadeeen.

Dadka ku geeriyooday weerarka ayaa la sheegay in ay isugu jireen Rag iyo dumar oo hal qoys ah.

Laamaha amniga ayaa ku raadjooga raga falkaasi geystay inkastoo si rasmi ah aan loo ogeyn sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya in hal qoys lagu weeraro isla halgooob ilaa iyo imunkana ma cadda cida si saxda ah uga dambeysa falkaasi.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close