Wararka

Dibad baxyaal caraysan oo gudaha u galay xarun chemical Hindiya.

Dibad baxyaal caraysan ayaa gudaha si xoog ah ugu jabsaday xarun chemical lagu sameeyo oo ku taalla xeebta Bari ee Hindiya kuwaas oo dalbanaayay in la xiro warshad soo saarto chemical kadib qasaaro ay nafeed oo ay gaysatay.

Banaan baxaan ayaa kusoo aaday xili maalma ka hor ay 12 ruux ku dhinteen dilaac ku yimid warshadaan soo saarta chemicalka sidoo kale waxaa xayiraad ku yimid isticmaalka wadooyinkii ku dhawaa oo ay gaartay waxyeelada Chemical-ka.

Ciidamada Booliska Hindiya ayaa maalinimadii Jimcaha qabtay gal dacwadeedka Warshadaan oo mulkideeda laga leeyahay Kuuryada koonfureed. Waxaana dacwada ka mid aheed in ay si dayaacad daro ah ku wareejiyeen walxa sun ah.

Chemical kaan ayaa loo isticmaali jiray in lagu sameeyo  walxaha balaastiga ah iyo caagaga waxaana la sheegay in shaqaalaha ay isku dayaayeen in ay dib u howlagaliyaan warshadaani oo lagu magacaabo LG Polymers plant.

Sababta keentay dilaaca warshada ayaan wali la cadeyn sida ay masuuliyiinta caasimada Visakhapatnam ee Ismaamulka Andhra Pradesh xaqiijiyeen.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close