Wararka

Dibad bax looga soo hor jeeda dagaal xalay dhexmaray Harmacad iyo macawisley oo ka dhacay Muqdisho.

Shacabka dagan Degmada Wadajir gaar ahaan xaafada Tarbuushka ayaa dhigay banaanbax ay ugu cawanayaan dagaal xalay dhexmaray ciidamada Sida gaarka ah u tababaran ee Harmacad iyo macawiisley.

Dadka dibad baxa dhigaayay ayaa maamulka gobolka Banadir iyo kan degmada Wadajir ka codsaday in wax laga qabto dagaalada lagu galaayo shacabka kor kiisa oo ay sheegeen in ay soo laalaabatay dhacdooyinka nocaan ah.

Sidoo kale Qaar kamid ah shacabka xaafada Tarbuushka oo la hadlay Tusmotv ayaa sheegay in dhawaqa xabadihii xalay ay labada dhinac is-weedaarsadeen ay qal-qal galisay dadka deeganka oo qoysaska qaar ka baxeen guryahooda.

https://www.facebook.com/TUSMOTV.SO/videos/2595481470725676/

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close