Wararka

Dhaqaale aruurin loo sameeyay Waddada Ceeldaahir ee Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay wehliyaan mudanayaal ka socda Golaha wakiilada Puntland Wasiiro, Isimo, iyo qeybaha kala duwan ee dadweynaha reer Puntland ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Dhaqaale Ururinta dhammeystirka Waddada Ceeldaahir ~ Ceerigaabo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku deeqay 100 fuusto, Guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan 20 fuusto, Guddoomiye ku xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame 20 fuusto, 16 Xildhibaan ayaa mid walba ku deeqay 2 fuusto, tiradoodina tahay 32 fuusto, Xil. Cabdirisaaq Maxamed Sahal ( Macoow) 10 fuusto, Xil. Cabdiraxmaan Muuse Jaamac 10 fuusto.

Dhinaca kalena, Hawl-wadeenadda Golaha Wakiillada DPL ayaa ka qeyb-qaatay dhaqaale ururinta Xoghayaha Guud Golaha Wakiillada Puntland Cabdirisaaq Xiddig Warsame ayaa ku deeqay 10 fuusto, Agaasimaha Maamulka Cabdiqaadir Cabdiraxman Maxamed ( Cadnaan) 10 fuusto, Agaasimaha Hab-maamuuska Axmed Soomaali 10 fuusto.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa u mahadceliyey dhammaan dadkii ka qeyb-qaatay dhaqaale ururinta Waddada Ceel-daahir- Ceerigaabo.Image may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 1 person, standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close