Wararka

Xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo kulan la qatay Safiir ku-xigeenka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya.

Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro iyo xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa kulan la qaatay Safiir ku-xigeenka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Massimiliano Bertollo. Waxay ka wada hadleen howlaha doorashada iyo talaabooyinka hore loo qaaday si waafaqsan heshiiskii 17-kii Sebtember ee ay wada gaareen dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Gudoomiye Maxamed Xasan Cirro ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga kaalinta ay kaga jirto tageerida Soomaaliya. Safiirka ayaa isna dhankiisa boggaadiyey shaqada la qabtay iyo dadaalada ay wadaan Guddiga Doorashada, isagoona ku adkeeyay inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah.

Guddiga ayaa safiirka u sheegay inay diyaar u yihiin hirgalinta doorasho daahfuran oo xiligeeda ku dhacda, waxayna ka codsadeen beesha caalamka inay kaalintooda qaataan.Image may contain: 2 people, people sitting, table, screen and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and people on stageImage may contain: 4 people, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close