Wararka

(DAAWO): Maamulka Gobolka Banaadir oo awaamiir adag kusoo Rogay Bulshada Ku Nool Muqdisho.

Guddiga heer Gobolka ee Maamulka Gobolka Banaadir u qaabilsan ka hortaga caabuqa Corona Virus (COVID19) oo ay hogaamiso Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed oo maanta kulan ku yeeshay xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa soo saaray go’aamo la xiriira Hakinta Isku-imaashiyaha Bulsho iyo Talooyin Caafimaad.

Wareegto kasoo baxday Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu xusay in la Hakiyo isku imaatinka Bulshada iyadoona fariin loo diray Hoteelada, Maqaayadaha iyo goobaha Dalxiiska ee Muqdisho.

Waxaa muddo 2 todobaad ah la joojiyay dadka usoo dabaal taga xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho iyadoona sidoo kale la joojiyay goobaha lagu caweeyo ee lagu istecmaalo shiishadaha.

Maamulka gobolka banaadir oo soo saarey amaro lagu hakinayo goobaha la isugu yimaado

Maamulka gobolka banaadir oo soo saarey amaro lagu hakinayo goobaha la isugu yimaado https://youtu.be/SVtom_v-Hs8

Posted by TUSMO TV on Tuesday, 31 March 2020

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close