Wararka

(DAAWO): Biden wuxuu sheegay in 31-ka Agoosto Mareykanka isaga baxaayo Afghanistan.

Madaxweyne Joe Biden oo ka hadlay howlgalka militariga Mareykanka ee Afghanistan ayaa sheegay inuu holgalkaas dhamaan doono 31-ka bisha Ogos.
howlgalka militariga Mareykanka ee Afghanistan oo socday ku dhowaad 20-ka sano ayaa la soo gabagabayn doonaa waxaana gadaal ka riixaayay Madaxweynaha Maraykanka ee Joe Biden oo qaba in howlgalka Mareykanka uu guuldareystay.

Markii aan ku dhawaaqay inaan isaga baxayno Afgaanistaan bishii Abriil, waxaan idhi waxaan ka bixi doonnaa Afqaanistaan ​​illaa Sebtember. Howlgalkeena militari ee Afgaanistaan ​​ayaa runti la soo gabagabeyn doonaa 31-ka Ogosto. Ka bixitankeena Afgaanistaan waxay ku socotaa si nabadgelyo iyo nidaam leh, iyadoo mudnaanta la siinayo amniga ciidamadeenna markay baxayaan.

Balse Madaxweyne Biden ayaa xusay in ay weli macquul tahay in dowladdu ay maamusho Afghanistan oo dhan kadib bixitaanka Mareykanka. Wuxuu ku booriyay dowlada Afgaanistaan ​​iyo Taalibaan in ay joogteeyaan heshiisyada nabada lagu dabaalaayo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close