Wararka

Ciidamada Venezuela oo Ishor istaag ku sameeyay hoggaamiyaha Mucaaradda dalkaasi.

Ciidamada dalka Venezuela ayaa maalinimadii axada ee ku beegneed 5-ta bisha Janaayo is hor istaag ku sameeyay hoggaamiyaha Mucaaradda dalkaasi Venezuela Juan Guaido kaas oo doonaayay in uu gudaha u gallo Hoolka Baarlamaanka dalkaasi oo xiligaas ay ka socotay dhaarinta Afhayeenka Cusub ee Baarlamaanka Venezuela.

Juan Guaido oo ahaa Afhayeenka Baarlamaanka Venezuela sanadihii ugu danbeeyay ayaa doonaayay in qudhiisa loo doorta markale in uu noqda Afhayeenka Baarlamaanka dalkaasi balse waxaa markaasi socotay dhaarinta Afhayeenka cusub ee Venezuela kaas oo daacad u ah madaxweynaha dalka Venezuela Nicolás Maduro.

Sanadkii tagay, hoggaamiyaha Mucaaradka dalka Venezuela waxaa uu waday kacdoon ka dhan ah madaxweyne Nicolas Maduro waxaa uuna sheegtay in uu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee Venezuela iyadoo ay aqoonsadeen ku dhawaad 60 dal oo ay kamid tahay dowlada Maraykanka.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close