Wararka

Ciidamada dowlada oo la wareegay Gacan ku haynta Magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Wararka aan ka heleyno magalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa Tilmaamaya in ciidamo ka tirsan dowlada fadaralka Soomaliya ay la wereegeen guud ahaan gacan ku haynta degmadaasi ka dib markii habeenimadii xalay ahayd ay ka tageen degmada Luuq ee Gobolkaasi Gedo.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan magalada ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan magalada waxana ciidamadan la sheegay in ay ku raadjoogaan qabsahada wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan kaasi oo lamaha amniga ee dowlada ay sheegeen in uu ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa oo ku yaala magalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ciidan ku soo daabuleysay gobolka Gedo, kuwaas oo ay dowladda ay dooneyso inay gacanta ku dhigaan maamulka Gedo waxana ay horaan qaadaceen doorashiidii ka dhacday Magaalada Kismaayo ee caasimada Kumeel gaarka u ah dowlad goboleedka Jubbaland taasi oo lagu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close