Wararka

Wasiirka amniga gudaha Galmudug oo booqasho ku tagay xerada Indha-qaris.

Wasiirka amniga gudaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta booqasho ku tagay xerada Indha-qaris oo ah xero ay ku xareysanyihiin ciidamo loo diyaarinaayo Daraawiishata Galmudug oo ku taallo duleedka magaalada Gaalkacyo.

Wasiir Fiqi oo la hadlay ciidanka ku xareysan xerada ayaa u sheegay in iskuullo waxbarasho loo furi doono dhawaan si ay bulshada sugeyso ugu adeegaan ayagoo ka dhisan aqoon ciidan iyo mid maaddi intaba.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan loo soo xiri doono tababarka si ay ugu adeegaan bulshada Galmudug una xorreeyaan deegaanada ka maqan gacanta dowladda Galmudug.

Wasaaradda amniga Galmudug waxaa markasta ka go’an dhisidda ciidamo ku filan sugidda amniga deeganada Galmudug sidoo kalena ka shaqeeya xoreynta deegaanada ka maqan gacanta maamulka Galmudug.Image may contain: 6 people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, sky, cloud and outdoorImage may contain: 4 people, people standing, shoes and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close