Wararka

C/naasir Seeraar” Waxay u bahan tahay qof anigoo kale ah oo badbaadiya Jubbaland”

Magaalada Kismaayo waxaa Maanta lagu dortay madaxweynihii seddexaad waxaana lagu dhawaaqay in musharaxii hore ee ka midka ahaa Golihii isku magacaabay Isbedel doonka Jubbaland C/naasir Seeraar uu noqday madxweynaha Jubbaland ee afarta sano ee soo socota.

C/naasir Seeraar ayaa lagu doortay howl ku yaala Gurigiisa waxaa ayna doorashadiisa ka dhigantahay in Golihii isku magacaabay isbedel doon ay u qaybsameyn laba dhinac taas oo sidoo kale muujinayso in ay sii xoogaysanayso khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dowlada Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha maanta Isku dhawaaqay oo waraysi siiyay Idaacadda BBC-Somali ayaa sheegay in Jubbaland ay u baahantahay qof asaga oo kale ah kaas oo badbaadiya Jubbaland waxaa uuna yiri “Waxay u bahan tahay qof anigoo kale ah oo badbaadiya Jubbaland. Waxaan u arkay in marxaladdas ay maanta taagan tahay”, ayuu yiri Seeraar oo la hadlay BBC-Somali.

C/naasir Seeraar oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay waxa ku dhaliyay in uu ku dhawaaqo in uu yahay madaxweynaha Jubbaland waxaa uu yiri”Waxaa igu dhaliyay in isbedel caafimaad qaba ay Jubbaland hesho, waana rajeynayaa in maanta ay heshay”.

War-saxaafadeed kasoo baxay xalay wasaaradda arrimaha guddaha dowlada Federaalka aya lagu sheegay in dowlada aysan aqoonsan doonin ruux kasto oo madaxweyne Jubbaland sheegta kaas oo aan u soo marin hanaanka doorashada ee uu qabo dastuurka KMG ah.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close