Ciyaaraha

Emery oo magacaabay shanta xidig ee ugu fiican aduunka.

Tababaraha kooxda Arsenal ayaa magacaabay shanta xidig ee ugu fiican aduunka xiligaan tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa aaminsan in uu xidiga kooxda Liverpool ee Mohamed sSalah ka mid yahay 5-ta xidig ee ugu fiican adduunka wakhtiga xaadirkaan isaga oo la mid ah xidiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard.

Hadalka tababare Emery ayaa imanaya ka hor finalka Europa league ee barri lagu ciyaari doono Baku kaas oo dhex mari doona kooxaha Arsenal iyo Chelsea.

Emery oo la hadlaya wargayska football London ayaa yidhi Hazard waa xidig fiican oo go’aamin kara kulan kasta daqiiqad kasta.

Chelsea waxa ay ku guulaysan kartaa Hazard.” xidiga Hazard waxa uu awood u leeyahay in uu kulan go’aamiyo si lamid ah xidigaha Messi , Ronaldo, Neymar iyo Salah” Waa 5-ta xidig ee ugu fiican adduunka ayuu sii raaciyay Unai.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close