Wararka

(WARBIXIN): Jabuuti oo maanta u dabaal dagayso 42-sana guuradii kasoo wareegatay gortii ay guumaystihii xornimada ka qaadatay.

Halgan dheer iyo diidmo qayaxan ayay  maanta oo kale 27-ka juun 1977 ayuu dalka Jabuuti xornimadiisa ka qaatay gumeystihii Faransiiska kaas oo ka mid ahaa gumeystayaashii reer Yurub.

Jabuuti oo ka mid aheyd  5-ta  Soomaaliya ayay gumeytayaashii ku shiray magaalada Baarliin ee dalka Jarmalka sanadkii 1884 u saxiixeen Faransiiska in uu gumeysto Jabuuti.

Dagaalo iyo diidmo looga soo horjeedo gumeystihii Faransiiska ayaa ka bilowday Jabuuti iyadoo ay hor boodeen halyeeyo ka soo horjeeday heeryada gumeysiga.

Taariikhda Jabuuti laguma soo koobi karo halkaan hase ahaatee dalkan waa mid ka mida kuwa sida aadka ula dagaalamay gumeytihii Faransiiska oo aad ugu xoog badnaa dalal dhowr oo ku yaalla Afrika.

Maanta oo kale 27-Juun 1977 ayuu xornimadiisa ka qaatay Faransiiska taas oo ay ka soo wareegatay 42 sano,waxaana guud ahaan dalka Jabuuti sanad waliba laga xusaa maalinta qiimaha ku leh guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ka sakow dagaaladii ay Jabuuti la gashay gumestihii Faransiiska waxaa jiray dagaalo kale oo u dhexeeyay Jamhuuriyadda Jabuuti iyo dalka ay deriska yihiin ee Eritera.

Xasan Guuleed Abtidoon ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee ay dadka Jabuuti si dimoqraadiyad ah ku doortaan kaas oo Jabuuti gaarsiisay horumara iyo baraare.

22-sano oo uu xukunka dalkaas hayey Alllaha u naxariistee madaxweyne Xasan Guuleed Abtidoon waxaa dadka reer Jabuuti ay sanadkii 1999-kii madaxweyne u doorteen madaxweynaha hadda talada haya ee Ismaaciil Cumar Geelle.

20-sanno ayuu hadda xilka hayaa madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Dalkan oo ku yaalla meel istaraatiij u ah geeska Afrika ayaa hadda ka mida kuwa ugu xasiloon ee Ku yaalla qaaradda Afrika.

Jabuuti waxa dhowr jeer ay mart galisay shirar dib u heshiisiin ah oo loo qabtay dadka Soomaaliyeed waxaana ka mid ahaa shirkii taariikhda galay ee ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed isugu tageen magaalada Carta.

Sidoo kale Jabuuti,  waxaa lagu dhisay 3-dowlad Soomaaliyeed, Sida dowladihii Cali Mahdi Maxamed, Cabdiqasim Salaad Xasan iyo Sheekh Sharif Sheekh Axmed.

Ciidamo ka socda dalka Jabuuti ayaa qeyb ka ah howlagalka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya kuwaas oo loo yaqaano hiil walaal.

Guud ahaan dalka Jabuuti iyo meelo ka mida Soomaaliya ayaa looga dabaal degaa maalintan ku beegan xoriyada Jabuuti.Related imageRelated imageRelated image

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close