Wararka

Barcelona oo u dhaqaaqday badalka Valverde.

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona bilowday wadahadalada badalka tababare Valverde kaas oo uu shaki weyn ku jiro mustaqbalkiisa lana filayo in uu isaga tago kooxda.

Maalmaha soo socdo Maamulka kooxda Barcelona ayaa bilaabay in ay qiimeeyaan mustaqbalka tababare Valverde kadib markii  ay kooxdu si niyad jab leh ku dhamaystay xili ciyaareedkaan

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay maamulka Barcelona wadahadalo la fureen tababaraha xulka qaranka Belguim ee Roberto Martinez kaas oo ay waydiiyeen in uu ogolaan karo tababarista kooxda 1-aad ee Barcelona xili ciyaareedka dambe.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay maamulka Barcelona haatanba ka wadahadleen tababaraha Roberto Martinez waliba isku raaceen in u noqodo tababaraha cusub ee kooxda xili ciyaareedka dambe.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close