Wararka

Waxbadan ka ogoow doorashada qof iyo codka ah ee ka socota Puntland.

Seddex Degmo oo kamid ah maamulka Puntland ayaa maanta waxaa ka dhacayso doorasha Qof iyo cod ah Golaha deegaanka.

Seddexda degmo ayaa kala ah Ufayn, Qardho iyo Eyl. Goobaha codbixinta waxaa ku sugan kor joogtayaal caalami ah.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa codkiisa ka dhiibtay Doorashada Golaha deegaanka ee degmada Qardho, oo ah tii ugu horeysay nooceeda ah ee ka dhacda Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu baaqay dadka codeynaya in ay u dhabar-adeygaan safafka dhaadheer ee ay ku jiraan, kulka, boorka ama dabeysha iyo wixii la mid ah. Wuxuuna kula dardaarmay in maanta gudanayaan xuquuqda ay u leeyihiin in ay wax doortaan lana doorto.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshisiinta XFS Senator Adam Abdinasir iyo wafti uu Hogaaminayo ayaa waxaa ay kulan la qaateen Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Waftigaan waxaa ay ka mid yihiin kor-joogayaasha Doorashada Qof iyo Cod ee Golaha deegaanka ee Maanta ka dhacaysa saddex degmo oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa Madaxda Wasaaradda Ugu Mahadceliyay Doorka ay ka qaateen Dhismayaasha Golayaasha Degaanka Dalka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close