Wararka

Wasiirka caddaalada oo kulan la qaatay wasiirada caddalada ee dowlad goboleedyada.

Kulan aan caadi aheyn ayaa waxaa uu maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda XFS, Agaasimayaasha, La-taliyeyaasha Wasaaradda iyo Dhammaan Wasiirada, Agaasimayasha iyo La-taliyeyaasha Wasaaradaha Caddaaladda ee Dowlad Goboleedyada dalka.Waxaa kaloo kulanka ka soo qeyb-galay Agaasimaha Hay’adda Asteynta Maamula Waanaagga Dowlad Goboleedka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee XJFS, , Avv. Xasan Xuseen Xaaji,  ayaa shir-gudoominayey kulanka waxaana  looga hadlayey arrimo la xirriira horumarinta hufnaanta iyo dardar-gelinta la-dagaalanka musuqa.

Waxaa kaloo shirka qeyb ka ahaa in lagu wargeliyo Wasiirada Wasaaradaha Caddaaladda dowlad goboleedyada dalka guulihii u danbeeyey ee Wasaaraddu ku talaabsatay taasoo ah in ay horgeysay Golaha Wasiirada ansixinta Istiraatiijiyadda Qaran 2020-2023 ee La-dagaalanka Musuqa iyo ku biirista heshiiska caalamiga ah ee la-daagalanka musuqa taasoo ay Golaha Wasiiradu ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah.

Hawlwadeenada wasaaradda Caddaaladda XFS ayaa ka soo jeediyey shirka tiirarka ay ku taagan tahay Istiraatiijiyadda Qaran iyo dhameystirka ku biirista heshiiska caalamiga ah iyo kan gobalkaba.Waxaa shirka warbixinno looga dhageystay wasiirada caddaaladda dowlad goboleedyada dalka iyo Agaasimaha Guud ee Asteynta Maamula Wanaagga Puntland kuwaasoo uga mahadceliyey wasiirka howlahaasi waaweyn ee lagu guulaystay iyo iyagoo caddeeyey in dhankooda diyaar u yihiin dhaqan-gelinta Istiraatiijiyadda Qaran 2020-2023 ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa.Image may contain: 2 peopleNo photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close