Wararka

Kaliya 60,000 oo dadka deegaanka ah oo si buuxda loo talaalay ayaa loo ogolaanaya inay kaqeyb qaataan Xajka sanadkaan. Waxbadan kaga boga warbixintan:

Xujeyda ayaa ayaa subaxnimadii hore ee saaka gaaray Mina xili lagu guda jiro talaabooyin adag ee dhanka caafimaadka.

Kaliya 60,000 oo dadka deegaanka ah oo si buuxda loo talaalay ayaa loo ogolaanaya inay kaqeyb qaataan Xajka sanadkaan.

Si kastaba ha noqotee, sanadkan, oo la mid ah Xajkii 2020, Muslimiinta guud ahaan Yurub ma awoodi doonaan inay ka qeyb galaan sababo la xiriira fayraska safmarka ah ee Covid-19.

Xujeyda ayaa tukaday salaadaha Dhuhr iyo Casar oo isku dhafan ka dibna waxaa ay ka qayb galeen khudbada Xajka, iyagoo raacaya tillaabooyinkii Nebi Muxamed (NNKH).

Qorax dhaca kadib, Xujeyda ayaa caawa ku hoyan doona Muzdalifah. Markay yimaadaan goobta barakaysan, waxay gudan doonaan salaadda Maghrib, waxaana ku xigi doona salaadda Isha oo gaagaaban.

Mina, oo 7 km waqooyi-bari ka xigta Masjidka weyn ee Makka, waa goobta ugu weyn adduunka ee teendhooyinka, oo ay ku nool yihiin ilaa 2.5 milyan oo xujey ah. Si kastaba ha noqotee, Sacuudi Carabiya waxay ka shaqeyneysaa kordhinta tirada xujeyda ee Mina, Muzdalifah iyo Arafat ay qaban karaan, iyadoo la raacayo qorshayaasha isbadal doonka ee Sacuudiya ee 2030.

Dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada xujeyda ee Xajka 2021 waxaa ka mid ah 300+ oo mutadawiciin isugu jira rag iyo dumar, 2000+ qalab caafimaad, 30 boorsooyin ambalaas ah, 30 kiish oo oksijiin ah iyo 25 goobood oo lagu dabeebaayo dadka kuwooda xanuun dareemo.

Xajka waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka – waa waajib saaran qof kasta oo Muslim ah inuu ugu yaraan hal mar tago nolosha, haddii ay suuragal tahay-iyadoo qiyaastii 2.5 milyan oo qof ay ka qeyb qaateen xajkii 2019.
Sacuudi Carabiya waxay diiwaan gelisay in kabadan 500,000 oo infekshannada coronavirus iyo 8,000 oo dhimasho intii lagu jiray cudurkan faafa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close