Wararka

(Akhriso): Xildhibaanada golaha shacabka BFS oo maanta ansixiyay laba Sharci oo muhiim ah.

Waxaa maanta xarunta Golaha shacabka ka qabsoomay Kulanka Guud ee Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ku furmay 156-Xildhibaan, waxaana kulanka shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Ajendaha Kulanka ayaa ah ahaa U Codeynta Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda iyo U codeynta Hindise Sharciyeedka Shirkadaha iyadoo uu golaha u akhriyay wax ka bedelka lagu sameeyay Sharciga Maareeynta maaliyadda guud PFM-ka Xoghayaha guddiga Maaliyadda,Miisaaniyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aadan Cali Xasan.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha oo u codeeyay Sharcigan ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 148-Xildhibaan 6-Xildhibaan ayaa diiday halka 2-Xildhibaanna ay ka aamustay sida uu natiijada ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Guddoomiye kuxigeenka guddiga Maaliyadda,Miisaaniyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aamina Cusmaan ayaa xildhibaanadda uga mahad celiyay sida ay sharcigan u ansixiyeen.

Sidoo kale Xildhibaanadda golaha shacabka ayaa u codeeyay Sharciga shirkadaha oo goluhu horey u ansixiyay islamarkaana uu dib usoo celiyay golaha Aqalka Sare,waxaana ogolaatay 156-Xildhibaan oo ah tirada guud ee Xildhibaanadda kulanka joogay.

Xildhibaanada golaha shacabka BFS oo maanta ansixiyay laba Sharci oo muhiim ah.

Xildhibaanada golaha shacabka BFS oo maanta ansixiyay laba Sharci oo muhiim ah.

Posted by TUSMO TV on Wednesday, 25 December 2019

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close