Wararka

(AKHRISO): WAA KUMA ALLE HA U NAXARIISTEE NUUR CADDE?

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938. Markii uu soo barbaarayna waxa uu ku biiray ciidankii Ilaalinta canshuuraha Soomaaliyeed (Guardia Di Finanza) sanadku markuu ahaa 1954, kadibna waxa uu ku soo wareegay Ciidanka Boliiska Somaaliyeed oo la aasaasay sanadkii 1965 Waxa uuna noloshiisa hore inta badan kusoo qaatay, magalada Muqdisho ilaa uu jagooyin sarsare ka qabto dowladdii Rayidka iyo tii Militariga ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Gen. Maxamed Siyaad Barre.

Nuur waxa uu waxbarashadiisa ku qaatay gudaha iyo banaanka dalkaba, isaga oo marar badan dalal dibadda ah u tagay tababar ciidan.

Dalka Taliyaaniga ayaa ka mid ah meelaha uu tababarkaas kusoo qaatay, halkaas oo uu muddo 2 sano ah kusoo qaatay tababar ku saabsanaa Takhasuska Baarista Canshuuraha iyo Sharciyada Caalamiga ah.

Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxa uu waxbarashadiisii aasaasiga ahayd ilaa iyo tiisa jaamacadda kusoo qaatay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ee JUS kuliyadeeda Sharciga ayuu dhameeyay Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Col Nur ayaa madax ka soo noqday qeybaha ugu muhiimsan ee Taliska Ciidanka Boliiska Somaaliyeed muddadii u dhaxeysay (1965- 1990). Sidoo kale waxa uu soo noqday Xoghaye Guud ee bisha cas Soomaliya.

Intii uu ka tirsanaa Booliska Soomaaliya waxa uu Tale Ku Xigeen ka soo noqday Xafiiska Qeybta Ciidanka, Qeybta Siyaasadda, Qeybta Abaabulka iyo Qeybta la shaqeynta Xiriirka Caalamiga ah ee Interpol, isaga oo sidoo kale noqday Madaxa Xafiiska Tababarada iyo Qorsheynta ee Ciidanka Boolis-ka Soomaaliyeed 1970-aadkii ilaa 1980-aadkii.

1986-dii ayaa loo magacaabay Kuxigeenka Xeer Illaaliyaha Guud ee Maxakamadda Badbaadada, iyada oo uu markii dambena halkaas ka noqday Xeer Illaaliyaha Guud ee Maxakamadda Badbaadada, kadib markii tababar 2 sano soconayay kusoo qaatay Taliyaaniga, kaas oo uu kusoo bartay Baarista Canshuuraha iyo Sharciyada Caalamiga ah.

Sanadkii 1976dii ayuu ka mid noqday xubin mutadawac ah ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed, kadibna waxaa loo doortay xubin gudiga fulinta ee ururka. Xiligii ay dagalada sokeeye aafeeyeen dhamaan bulshada Somaaliyeed waxaa uu kaalin weyn oo lama ilaawin ah ka qaatay badbadinta shacabka Somaaliyeed ee waxyeelada ka soo gaartay dagaalada sokeeye.

Col. Nur waxa uu ku guuleystay inuu ka badabaadiyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed, burbur kii ku yimid hey’adihii dowliga iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka jiray wadanka gudahiisa dagaalada ka hor (1991).
Barnaamijkan fulintiisa Heyadda Bisha Cas ee Somaaliyeed waxa ay ku muteysatay billad heer caalami ah oo ay guddooniisay Boqoradda Ingiriiska sanadkii 1993.

November 22, 2007: Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxaa madaxweynihi Soomalaiya ee xiligaas Allaha u naxariistee, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, uu u magacaabay Ra’iisal Wasaaraha dowladii kumeel gaarka aheed, taas oo lagu dhaariyay magaalada Baydhabo November 24, 2007.

2009-kii, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxa uu Ra’iisal Wasaarihii waqtigaas Cumar Cabdirashiid u magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Taliyaaniga, kadib kulan dhex maray Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Taliyaaniga.

labadii Isbuuc ee la soo dhaafay ayaa waxaa uu la xanuunsanaayay caabuqa Coronavirus,isaga maanta oo arbaca ah ku geeriyooday Isbitaalka Kings college ee magaalada london ee dalka Ingiriiska.
War-Saxaafadeed uu soo saarey Wiilkiisa Xaaji Maxamed Nuur Cadde ayaa waxaa uu ku sheegay in Meydka Marxuumka loogu Aasayo Magalada london si waafaqsan Shareecada Islaamka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close