Wararka

(Akhriso): 90-Ilbiriqsi ku akhriso aqbaarta CORONAVIRUS ee caalamka oo dhan.

Kuuryada Koonfureed ayaa maanta oo Isniin ah shaacisay in dad badan oo kasoo kabtay xanuunka Coronaviruska uu dib ugu soo rogaal celiyay mar kale.

Masuuliyiinta Kuuryada Koonfureed ayaa sheegtay in ku dhawaad 116 ruux oo uu xanuunka COVID-19 horay ugu dhacay mar kale laga helay xanuunkaan waxaa ayna intaasi ku dareen in ay doonayaan in ay soo rogaan talaabooyin cusub oo lagu xakamaynaayo xanuunkaan dilaaga ah.

Dowlada Taiwan ayaa ku dhawaaqday in uu hoos u dhac ballaaran uu ku yimid faafida xanuunka Coronaviruska dalkaasi kadib markii ay Guddiga ka hortaga xanuunka COVID-19 ee Taiwan shaaciyeen in dalkaasi maalin kasto laga diwaan galiyo inta u dhaxayso hal (1) ilaa lix (6) kiis.

Maanta oo Isniin ah dalkaasi waxaa laga helay Shan (5) kiis taas oo wadarta Guud ee kiisaska dalkaasi Taiwan ka dhigayso 393 kiis halka dhimashahana uu gaarayo lix (6) qof waxaana ka Buskooday xanuunkaan 114 ruux.

Talyaanigana waxaa kasoo yeerayso akhbaar wanagsan kadib markii saraakiisha caafimaadka dalkaasi ay sheegeen in tirada guud ee dadka uu soo ridanaayo xanuunka COVID-19 uu soo yaraaday seddexdii Isbuuc ee ugu danbaysay.

Dowlada Talyaaniga ayaa aheed xudunta xanuunka Coronaviruska qaarada Yurub waxaa uuna u saameeyay si ba’an iyadoo laga diwaan galiyay Kiisas gaaraayo 156,000 balse Qubarada caafimaadka ee Talyaaniga ayaa sheegay in ay intaasi ka badantahay Kiisaska dadka u dhintay iyo kuwa uu haleelay xanuunkaani maadaama ay iska koobanyihiin dadka is geeyo goobaha caafimaadka ka hor inta aysan guryahooda ugu dhiman COVID-19.

Shaqaalaha caafimaadka Spain ayaa maanta oo Isniin ah bilaabay in ay kaalmo u aruuriyaan madaxii caafimaadka dalkaasi oo u geeriyooday xanuunka Coronaviruska.

Spain ayaa sidoo kale maanta waxaa laga qaaday mid kamid ah xayiraadihii lagu soo rogay taas oo ah in shaqaalaha ka shaqeeyo kambaniyada ay dib ugu laabteen shaqadoodi balse Masuuliyiinta dalkaasi ayaa shirkadaha kula taliyay in ay shaqaalaha u dhamaystiraan qalabka ka hortaga xanuunka COVID-19.

Dalka Spain ayaa kamid ah dalalka uu sida ba’an u saameeyay xanuunka Coronaviruska waxaana dalkaasi laga diwaan galiyay in ka badan 165,000 kiis halka 17,000 ruuxna ay u dhinteen Coronaviruska.

Sida laga soo xigtay Tirakoob ay samaysay Jaamacada Johns Hopkins University, 1.85 million oo kiis ayaa maanta oo Isniin ah laga diwaan galiyay caalamka halka dimashahana ay gaartay 114,000. Dalka Maraykanka ayaana ugu horeysa Kiisaska dadka uu soo riday xanuunkaan Coronavirus iyadoo kiisaska ay gaareen 550,000 kiis.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close