Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha oo kormeer ku tagay xaruuntii hore ee wasaaradda beeraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay xaruuntii hore ee wasaaradda beeraha oo ay ka socdaan howlo nadafadeed iyo dib u dis ballaaran.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, Nuur Yusuf Nuur waxaa kormeerka ku wehlinaayay qaar kamid ah masuuliyiinta wasaaradda beeraha Soomaaliya waxaa uuna ka warbixiyay kormeer ka uu ku tagay xaruuntii hore ee wasaaradda beeraha.

Nuur Yusuf Nuur ayaa sheegay in wasaaradda beeraha ay soo rogaal celisay shaqadeydii hore ee ay u qaban jirat shacabka Soomaaliyeed ayna ka shaqeyn doonta sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka dhaqaalaha Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay maal gashadaan waddan kooda si ayuu yiri burwaaqo loogu noolaado.

Agaasimaha ayaa ugu danbeyn waxaa uu mahad ballaaran u jeediyay shaqaalaha wasaaradda Beeraha iyo waraabka Soomaaliyeed iyo maamulka Gobolka banadir oo ku caawiyay Baalaha ka shaqayso nadaafadda xarunta.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close