Wararka

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya oo beeniyay war ka soo yeray Ra’isal wasaarihii hore ee Soomaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya CabdiRashid Maxamed Xashi ayaa been abuur ku tilmaamay Wararka sheegaya in Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu barri safar u yahay ka qeyb galka shir la sheegay in uu ku saabsan yahay heshiis amni oo heer gobol ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in Safarrada shaqo ee Madaxweynaha ay yihiin kuwo daahfuran oo xogtooda ay si dhammeystiran u soo gudbiyaan Warbaahinta Soomaaliyeed.

waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in Madax xilal muhiim ah ka soo qabtay dalka ay ku jaahwareeriyaan shacabka Soomaaliyeed xog aan sugnayn, iyaga oo uga gol leh dano siyaasadeed oo gaar ah, halka ay ahayd in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka Qaran ee horyaallay 4-tii Sano ee la soo dhaafay waa sida uu ku soo qoray Bartiisa Twitter-ka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close