Wararka

Aaska Qaran ee Allaha U Naxariistee Wasiir Xoosh oo ka socota Muqdosho.

Aaska Qaran ee Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee arrimaha Dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ka socoto magaalada Muqdisho iyadoo goordhow  diyaarad sida Meydka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil  ay ka soo degtay garoonka Caalamiga  ee Adan Cadde ee Muqdisho.

Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo hadda salaadda Janaasada lagula tukaday Garoonka Aadan Cabdulle ayaa lagu aasayaa qabuuraha Isbitaalka Madiina dhabarkiisa dambe ku yaalla waxaana hadda garoonka Aden Abdulle ku sugan Guddoomiya Aqalka Sare ,Guddoomiayaha ku-xeegnka labadaad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul wasaaraha XFS,guddigii loo xilsaaray Qaban-qaabada aaska qaran ee marxuum Xoosh oo ka kooban Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, waxbarashada, Warfaafinta, Kalluumeysiga iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha Dastuurka, Mas’uuliyiin kale iyo qaar kamid ah Culumaa’diinka Soomaaliyeed ayaana halkaas jooga.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close