Wararka

Aaba dhalay 30 caruur ah oo halmaalin milyaneer ku noqday dalkaasi Tansaniya.

Macdan qodaha u dhashay Tanzania ayaa habeen qura ku noqday maalqabeen kadib markii uu gatay labo dhagax oo qaali ah oo loo yaqaano Tanzanite kuwaas oo laga helay guda dalkaasi.

Saniniu Laizer ayaa kasbaday 2.4 malyan oo bawn ah amma 3.4 malyan oo dollar ah waxaa uuna ka helay wasaarada macdanta ee dalkaasi, dhagxaantaas oo culayskooda lagu sheegay 15 kg.

“ bari waxa jiri doonto xaflad weyn” mr Laizer, oo ah aabe leh in kabadan 30 caruur ah ayaa sidaasi BBC u dheegay.

Dhagaxa loo yaqaano Tanzanite kaliya waxaa laga helaa waqooyiga dalkaasi tanzaniya waxaana loo adeegsadaa in laga sameeyo wax yaabaha sharaxaada ah.

Dhagaxaan ayaa waxa uu nadir ku yahay aduunka, mid ka mid ah dadka ku taqasuusay cilmiga dhulka ayaa waxa uu dhagaxaas ku qiyaasay isticmaalkiisa 20-ka sano ee soo socota.

Dhagaxaan qaaliga ah ayaa dadka ku soo jiita midabada kala duwan oo uu leeyahay, waxaan ka mid ah casaan, buluugmaari iyo buluug.

Qiimahiisana ayaa waxaa marwalba lagu qiyaasaa tayada uu leeyahay, dhagaxa- marwalba uu midibkiisa uu qurxoonyahay waa marwalba uu qiimihiisa uu aad u sareeyaa.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close