Wararka
Wasiirkii hore ee Amniga Puntland oo geeriyooday.

Wasiirkii hore ee Amniga Dawlad goboleedka Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan ayaa saaka ku geeriyooday dalka Turkiga.
Masuuliyiinta maamulka Puntland oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril ayaa ka tacsiyadeeyey Geerida ku timid Wasiirkii hore ee Amniga Dawladda Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan.
Ilaahay ha u naxariisto Khaliif Ciise Mudan, wasiirkii hore ee Amniga Puntland, kornayl ciidanka cirka ahaa, kana mid ahaa duuliyayaashii ugu caansanaa diyaaradaha dagaalka Soomaaliya, marna noqday taliyihii Taliska Ciidanka Cirka ee Balidoogle.