Wararka

(Akhriso) Sheekh Shariif “Inaan iska fiirsano in wax kasta iska dumaan suura gal ma ahan”

Munaasabad lagu daahfurayay xisbiga himilo qaran oo ka dhacday caasimada dalka ee Muqdisho ayaa waxa ka qeyb galay madaxweynayayaashii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed iyo Xassan Sheikh Maxamuud, gudoomiyayaashii hore ee golaha shacabka Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Sheikh Aadam Maxamed Nuur Sheikh Aadan Madoobe, qaar ka mida Xisbiyada dalka, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo dadweyne badan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay munaasabadda daah furka Xisbiga uu hoggaamiyo ee Himilo Qaran ayaa sheegay in qaranka uu u baahan yahay la daba qabto sida xaalada tahay oo u baahan yahay ilaalinta Qaranimada.

“Inaan iska fiirsano in wax kasta iska dumaan suura gal ma ahan, waa aragtaa xaalada ka jirta arrimaha dibadda, arrimaha maamul goboleedyada iyo arrinta deriska, ma ahan inaan iska fiirsano”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sidookale ka hadlay muhiimada ay leedahay in mucaarad iyo muxaafidba ay wada shaqeeyaan oo midnimada lagu dadaalo.

“Dad badan oo mucaarad ah oo gurbaan aan fiicaneen qaraacaya ayaa jiraa, gurbaanka qabyaalada waa qaran dumis, waxaan rabaa qabyaalad danbo inaanan u laabanin halkaas aan ku joojino, qofka waa ladhaliili karaa wax mushkila malahan laakiin eray qabiil loo fasiran kara waa inaan ka foganaa, anagoo dhan ayaa isku baahan,ehel ayaan nahay, meshaana Illahay nadajiyay umada aan shaqa isku laheen ayaa wada nool inaan wada noolaan wayna anagoo intaan isku ah doqonimey nagu tahay” ayuu yiri madaxwaynihii hore ee dalka.

Sheekh Shariif ayaa munaasabadda daah furka Xisbigiisa ka jeediyay Khudbad dhinacya  badan taabaneysayo oo uu si guud ugu hadlaayay xaalada dalka.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close