Wararka

17 ruux oo ku dhintay shil gaari oo kadhacay dalka Imaaradka.

Gaari Bas ah oo laga leeyahay dalka Cumaan ayaa ku dhacay calaamada jaheenta waddooyinka ee taraafikada waxaana gaariga saarnaa rakaab gaarayo 31 rux xili uu marayay wada  kutaal caasimada Dubai ee dalka Isutaga Imaaradka Carabta oo layerahda Sheikh Mohammed bin Zayed.

Booliska dalka Imaaradka ayaa sheegay in shilkaasi ay ku dhinteen 17 ruux, dadkaasi dhintay waxaa kamid ahaa 12 ruux oo u dhashay dalka Hindiya.

Qunsuulka Hindiya u jooga dalka Imaraadka ayaa sheegay in qasaaraha dadka ku dhintay shilkaas oo uu intaas kasii badan karo.

Booliska dalka Imaaradka ayaa sidookale sheegay in dadka kudhintay shilka ay kasoo kala jeedaan wadama kala duwan oo ay wali kujiraan baaritaanno ay ku kala saariyaan dadka meelaha ay kasoo jeedaan.

Booliska caasimda Dubai ayaa bartooda twetter ga soo dhigay farintaa:

#هام | في تمام الساعة 5:40 من مساء اليوم، وقع #حادث مروري بليغ لباص مواصلات على متنه 31 راكب يحمل لوحة أرقام سلطنة عمان على شارع الشيخ محمد بن زايد وتحديدا (مخرج الراشدية) الى محطة المترو نتج عنه وفاة 15 راكب من جنسيات مختلفة وإصابة 5 أشخاص آخرون بإصابات بليغة.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close